PLTV oo dib hawada ugu soo laabtey

Image

June 16, 2015 (GO)- Telefishinka Puntland (PLTV) ayaa dib hawada ugu soo laabtey kaddib markii uu shalay saacado kooban hawada ka maqnaa.

Sababta TV-gu hawada uga baxay ayaa ahayd kaddib markii dowladdu bixin weydey kirada Satellite-ka baahiya telefishinka.

Maamulka PLTV ayaa isla xalay shubay kirada labadii bilood ee ugu dambeeyey, wuxuuna telefishinku dib hawada ugu soo laabtey abbaare 8:00 fiidnimo ee xalay isagoo dansanaa muddo saddex saac ka badan.

Dhanka kale, shaqaalaha PLTV ayaan muddo saddex bilood ah qaadan mushaharaadkii iyo gunnooyinkii ay xaqa u lahaayeen.

Qaar kamid ah hawl-wadeenada TV-ga oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in ay marar badan cabasho u gudbiyeen maamulka telefishinka iyo Wasaaradda Warfaafinta kana dalbadeen in la siiyo xuquuqdooda, balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid  ilaa iyo hadda wax ka qabatey cabashadooda.

Waa markii labaad ee telefishinka Dowladda Puntland muddo sanad gudihiis ah lacag la'aan hawada uga baxo.

Sep 4, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Telefishinka khadka looga saaray kadib markii muddo afar bilood ah la bixin wayey kirada sattelite-ka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli badi shaqaalaha dowladdu ka cabanayaan mushahar la'aan islamarkaana dhaqaalaha Puntland si weyn hoos ugu dhacay.

Waxaa xusid mudan, in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbaddii uu shalay ka jeediyey xarunta baarlammaanka ku sheeegay in dhaqaaluhu si weyn u kobcay marka loo barbar dhigo sidii uu ahaa sanado kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM