PLTV oo markii labaad lacag la'aan hawada looga saaray

Image

June 15, 2015 (GO)- Telefishinka Puntland (PLTV) ayaa sanad gudihiis markii labaad hawada ka baxay, kaddib markii dowladdu bixin weydey kirada Satellite-ka baahiya telefishinka.

Abbaare 4:10 galabnimo ee waqtiga Geeska Afrika ayaa TV-ga hawada laga saaray. Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in muddo labo bilood ah la bixin kiradii sattelite-ka.

Wararka GO heleyso ayaa intaas ku daraya in todobaadkii hore Agaasimaha PLTV, Cabdifataax Ashkir kasoo qaaday Wasaaradda Maaliyadda, lacag dhan $10, 000 (toban kun oo doolar), taasoo la sheegay inay ahayd kiradii bishan socota ee June.

Lacagtaas $8,000 (siddeed kun) oo kamid ah wuxuu Agaasimuhu ku wareejiyey xisaabiyaha telefishinka, isagoo ku wargeliyey inuu u qaybiyo shaqaalaha istuudiyaha koowaad ee telefishinka oo muddo saddex bilood ah aan qaadan mushaharaadkii iyo gunnooyinkii ay xaqa u lahaayeen.

Qaar kamid ah hawl-wadeenada TV-ga oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in ay marar badan cabasho u gudbiyeen maamulka telefishinka iyo Wasaaradda Warfaafinta kana dalbadeen in la siiyo xuquuqdooda, balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid  ilaa iyo hadda wax ka qabatey cabashadooda.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ku eedeeyey Agaasime Cabdifataax Ashkir wax qabad la'aan iyo in had iyo goor uu ka war wareego in uu shaqaalaha kala hadlo xuquuqda ka maqan ee ay dalbanayaan.

Lacag la'aanta heshay TV ayaa imaaneysa kadib markii madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas maanta 15 June,2015 khudbo dheer uu kaga hadlayo hurumarka xukumadiisa ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka, amaanka, xiriirka caalamiga iyo arrimo kale ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 35aad Barlamanka Puntland. HALKAAN KA DHAGEYSO 

Sep 4, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Telefishinku hawada ka baxay kadib markii muddo afar bilood ah la bixin wayey kirada sattelite-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM