PUNSAA: Dowladdu si Miyir leh ha u xalliso arrimaha cabashooyinka

Image

GAROWE, Puntland- Dallada ay Ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland oo loo yaqaano PUNSAA, ayaa war-saxaafadeed uga hadashay arrimaha kasocda deegaanada Puntland, kuwaasoo isugu jira; cabashooyin ciidan iyo nabadoon u xiran dowladda.

Qoraalkan, ayaa lagu sheegay in aad looga xunyahay waxyaabaha kasoo cusboonaaday deegaanada Puntland, waxaan baaq loogu diray dhinacyada ay khusayso inay ka shaqeeyaan Amniga iyo kala dambaynta.

Waxaa sidoo kale dowladda loogu baaqay inay dul u yeelato cabashooyinka dadka xuquuqdoodu ka maqantahay, waxaana arrimaha taagan ururku dalbaday in wada-hadal lagu xalliyo.

Dhinaca kale, waxaa qoraalkan lagusoo hadal qaaday xaaladda amni ee magaalada Bosaso gaar ahaan xariga Nabadoon Xarrago oo la yiri wuxuu ka tirsanyahay dalladan iyagoo dowladda ka codsaday inay ka shaqayso sidii loo sii dayn lahaa.

GAROWEONLIN

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM