PUNSAA: Dowladdu si Miyir leh ha u xalliso arrimaha cabashooyinka

Image

GAROWE, Puntland- Dallada ay Ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland oo loo yaqaano PUNSAA, ayaa war-saxaafadeed uga hadashay arrimaha kasocda deegaanada Puntland, kuwaasoo isugu jira; cabashooyin ciidan iyo nabadoon u xiran dowladda.

Qoraalkan, ayaa lagu sheegay in aad looga xunyahay waxyaabaha kasoo cusboonaaday deegaanada Puntland, waxaan baaq loogu diray dhinacyada ay khusayso inay ka shaqeeyaan Amniga iyo kala dambaynta.

Waxaa sidoo kale dowladda loogu baaqay inay dul u yeelato cabashooyinka dadka xuquuqdoodu ka maqantahay, waxaana arrimaha taagan ururku dalbaday in wada-hadal lagu xalliyo.

Dhinaca kale, waxaa qoraalkan lagusoo hadal qaaday xaaladda amni ee magaalada Bosaso gaar ahaan xariga Nabadoon Xarrago oo la yiri wuxuu ka tirsanyahay dalladan iyagoo dowladda ka codsaday inay ka shaqayso sidii loo sii dayn lahaa.

GAROWEONLIN

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM