PUNSAA oo dooranaysa Guddoomiye

Image

GAROWE, Puntland- Dalladda ay ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee ka jira Puntland, ayaa maanta dooranaysa guddoomiye cusub maadama uu dhammaaday muddo xileedkii Nuur Shire Cusmaan oo booskan horay usoo hayay.

Doorashada ayaa iminka ka socota xarunta PDRC ee magaalada Garowe, waxaana ka qayb galaya Ergooyin lagasoo xulay hay’adaha ku bahoobay dalladda.

Waxaa booskan u sharaxan saddex murashax oo kala ah; Faysal Qaran, Nuur Shire Cusmaan iyo Maxamed Muuse Maxamed.

Golaha guud oo ka kooban 99 Xubnood ayaa Codka dhiibanaya.

Loollan xoog leh ayaa socda waxaana murashax kasta isku dayayaa inuu ku guulaysto booskan.

Faah faahint dib ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM