Puntland: 11 ku dhimatay dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal u dhaxeeyay mallayshiyaad hubaysan oo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay deegaano katirsan gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 11 qof oo katirsan mallayshiyaadkii dagaallamay oo kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa lagusoo waramayaa inuu istaagay galabta kadib markii ay kala dhexgaleen waxgarad kasoo kala jeeda labada dhinac.

Khasaaro kale ayaa ka dhashay iska hor imaadka oo ka dhacay deegaanada Godod iyo Gacnafale ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay 32 qof.

Majirto cid katirsan labada maamul oo ka hadashay dagaalkaas oo kusoo beegmay xilli heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen madaxweyne ku-xigeenada Galmudug iyo Puntland walow uusan dhaqan galin.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu daba socdo iska hor imaad laba maalmood ka hor dhex maray xoolo dhaqato ka soo kala jeeda dhinacyada hadda dagaalamaya.

Dhowr jeer oo hore dagaal noocaan ah ayaa ka dhacay gobolka Gaar ahaan deegaanadaas.

Inta badan isku dhacan ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM