Puntland: Agaasime Koor oo diiday xilka loo magacaabay

Image

BOSASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xilkii ka qaadey Agaasimhii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Nuur Cilmi (Koor).

Wareegtadaan ayaa lagu magacaabay Agaasime Cusub oo kamid ahaa Shaqaalaha wasaaraddaas gaar ahaan Waaxda Dowladaha hoose.

Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa Madaxweyne Gaas ka dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halka Cabdi Nuur Cilmi loo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Qoraalkaan ku soo baxey oo kaliya Cabdi Nuur Cilmi ahaa oo horey u ahaan jirey duqa magalaada Garowe ayaa xilkaan loo magaacebey markii uu Wasaarada ka ahaa Wasiir Axmad Karaash.

Warar uu helay Garowe Online ayaa sheegaya in arrintan salka ku hayso khilaaf soo kala dhex galay Agaasimaha iyo Wasiirka taasoo keentay in Madaxweyne Gaas qaato talada Wasiir Timacade.

War lagama hayo sababta ay isku khilaafeen Koor iyo Timacadde.

Digreetada Madaxweyne Gaas, ayaa wararku sheegayaan inuu diidey xilka cusub ee loo magacaabey. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM