​Puntland: Amniga Bosaso oo Laga Shiray

Image

BOSASO- Waxaa maanta magalada Bosaso xarunta gobolka Bari isugu wasiirka wasaaradda Amniga Puntland, maamulka gobolka, kan degmada Bosaso iyo laamaha kala duwan ee ammaanka gobolka Bari iyagoo ka xaajoonaya xaaladda magalada Bosaso. 

Kulankan oo muddo socday, ayaa saxaafaddu dibada ka joogtay, waxaana markii uu soo idlaacaday warbaahinta la hadlay wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab", isagoo sheegay inay ka hadlayeen qaabkii ammaanka loo xoojin lahaa gaar ahaan magalada Bosaso oo xusay in maalmihii lasoo dhaafay rabshado ka dhaceen. 

Qarjab, ayaa tilmaamay inay isfareen qaabkii loo dar-dar galin lahaa xoojinta ammaanka gobolka gaar ahaan xarunta Ganacsiga Puntland, maadama la filayo inay yimaadaan wufuud kasocota beesha caalamka iyo dowladda Somalia. Wuxuu xusay in si hufan loo baaro kiiskii dhawaan ka dhacay degmada Bosaso, isagoo sheegay in cidda dambiga gashay laamaha garsoorku baaraan kuna soo oogaan iyagoo u maray qaab cadaali ah. 

Kulankan ka dhacay xarunta wasaaradda Amniga Bosaso, ayaa yimi xilli xaaladda magaaladaas dagantahay balse, 01 Febraayo, 2016 magalada uu ka dhacay banaan-bax rabshada watay, kaas oo dowladdu ku eedaysay gudoomiyihii hore Bari Cabdisamad Maxamed Gallan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM