Puntland: Arday toorey lagu dilay gudaha magaalada Garowe

Image
Baxsiga eedeysanaha ayaa imaanaya iyada oo Booliska Puntland lagu eedeeyay in ay ka mashquuleen xaaladda amniga.

GAROWE, Puntland - Caasimada dowladda Puntland ayaa habeenkii Jimcaha todobaadkii hore waxaa ka dhacay fal argagax leh kadib markii dil loogu geystay mid kamid ah ardayda wax ka barata Garowe.

Ardaygaan ayaa waxaa toorey ku dilay mid kale iyada oo markii hore la aqoonsan waayay isla markaana muddo saacado ah laga baafinayay baraha bulshada.

Saacado kadib ayay soo baxday in maamulka isbitaalka Carafaad oo la dhigay marxuumka meydkiisa ay aqoonsadeen.

Taliyaha qaybta Booliska gobalka Nugaal, Xuseen Cali Maxamuud oo shalay ka hadlay kiiska ayaa yiri: "Runtii waxaa xalay magaalada ka dhacay dil argagax leh kadib markii arday uu mid kale toorey ku dilay. Waxaa xiran waalidkiisa iyo walaalihiisa isagiina wuu baxsaday".

Baxsiga eedeysanaha ayaa imaanaya iyada oo Booliska Puntland lagu eedeeyay in ay ka mashquuleen xaaladda amniga isla markaana ay siyaasadda ku milmeen.

Dhawaan ayay ahayd markii ay cabtooy Garowe ku dhaawaceen, Cumar Maxamuud Xasan, oo ahaa Arday caafimaadka baranayay oo ka yimid dalka Suudaan kadib waddankaas ay ka dilaaceen colaadda sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM