​Puntland: Askar lagu qisaasay Garowe

Image

GAROWE- Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye oo Radio Garoowe la hadlayay ayaa faah-fahin ka bixiyey dil maanta lagu fuliyey labo askari oo katirsana ciidamada qalabka sida ee Puntland, kuwaas oo dilal u gaystay labo askari oo ciidamada Puntland kamid ahaa.

Xeer ilaaliyuha ayaa magacyada askarta latoogtay ku sheegay; Siciid Cabdullaahi Ashkir oo katirsanaa ciidanka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, kaas oo dilay marxuum la oran jiray Yaasiin Maxamed Cumar iyo Saleemaan Siciid Xasan (Saleebaan Tooyo) oo isna dilay Marxuum lagu magacaabi jiray labo xidigle Siciid Cabdiqani Jaamac oo katirsana ciidanka Booliska Puntland.

Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ayaa debniilayaashan ku riday xukunka dilka ah sida xeer ilaaliyuhu sheegay, waxaana xukunka askartan loo gudbiyey Madaxweynaha Puntland oo leh go'aanka u danbeeya ee fulinta.

Gaas ayaa ogolaaday in la toogtay raggan toogashada gaystay, waxaana galinkii hore maanta lagu qisaasay caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM