Puntland: Axmad Karash oo ka hadley dhismaha golaha degaanka

Image

July 27,2015 (GO)- Wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan "Karaash" oo la hadlay PLTV ayaa sheegay in mudo sadex barri gudahood ku soo dhisayaan golayaasha deegaanka degmooyinka Garowe iyo Bosaaso .

Axmed Karaash waxaa uu qirey in dib u dhac ku yimid xiligii la soo dhisi lahaa golayaasha degmoyinka Garowe iyo Bosaaso isagoo shegeey in ramadaanka dartiis loo soo dhisi waayey.

Karaash ayaa sheegay in dib dhaca ku yimid dhismaha golaha degaanka degmada Garowe dadka qaarkiis si khaldan u fasireen.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegey iney magacabeen gudiyadii kala saarida xubnaha golayaasha degmoyinka Garowe iyo Boosaaso oo khilaafku ka dhexeeyo.

Hadalka Wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa imaanaya xili bulshadu ku nool Puntland  hadal hayso sababaha dib u dhigay dhismaha golaaasha degmooyinka Garowe iyo Boosaaso madaama mudadii 45 casho ee loo qabtey la dhaafey.

Waxgaradka gobolka Nugaal ayaa horey u dalbadey in dowladu fududayso dhismaha golaha degaanka Garowe madaama ay taagan yihiin mashaariicdii horemarineed ee degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM