Puntland: Baaqyo loo diray colaad ka hurtay xadka Nugal iyo Sool

Image

BURTINLE, Puntland- Waxgaradka ku nool deegaanada Puntland, ayaa diray baaqyo nabadeed oo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaad ka taagan xuduuda ay wadaagaan gobollada Nugal iyo Sool, taasoo u dhaxaysay qabaa'il halkaas wada-daga.

Dagaal kharaar oo shalay bilowday ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof kuwaasoo kawada tirsan dhinacyadii dagaallamayay, halka dhaawaca la sheegay inuu kor u dhaafay 20-taneeye.

Colaaddan oo mudo soo jiitamayssay ayaa salka ku haysa anooyin Qabiil oo salka ku haya dhul-daaqsimeed.

Dagaalkii shalay ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Cagaarane oo ku yaalla xadka Nugal iyo Sool kaasoo kaabiga ku haya degmada Burtinle.

Dhaawacyada dadkii ku dhintay ayaa loo qaaday magaalooyinka Burtinle, Galkacyo iyo Buuhoodle.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland, taasoo ku aadan colaada halkaas ka taagan, balse waxaa jira baaqyo ay direen waxgaradka ku nool Puntland gaar ahaan gobolka Mudug.

Dhowr jeer oo hore, waxaa labadan beelood la dhex-dhigay heshiisyo nabadeed oo ku aadan in lasoo afmeero dhibkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM