Puntland: Banaanbaxyo ka dhacay Garowe iyo Dangoroyo [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Bannaanabaxyo looga soo horjeedo joogista maamulka Somaliland ee gobolka Sool islamarkaana lagu taageerayay ciidamada Puntland ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Garoowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Shacabka wata calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa socod dheer ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinkaasi, waxayna ku dhawaaqayeen eroyo taageero u ah ciidanka ku sugan Jiida hore iyagoo ku ammaanay doorka ay ka qaateen ilaalinta iyo difaaca Puntland.

Dadweynahan oo iskood isu soo abaabulay ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xunyihiin dhibaatada ka taagan degmada Laas-caano ee gobolka Sool, waxayna sheegeen in maalin uun ay xoriyadooda heli doonaan shacabka halkaas ku nool.

Waxay tilmaameen inay aad uga xunyihiin waxa ka soconaya Laas-caano oo ay sheegeen inay isugu jiraan, jirdil, xarig, caburin iyo Caga-juglayn lagu hayo shacabka.

Ciidanka ayay ugu baaqeen inay gutaan waajibaadkooda qaran islamarkaana xoreeyaan gobollada maqan.

Dadweyne kala duwan oo goobaha la isugu yimid ka hadlay waxay sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaameen qodobka Somaliland u cuskatay joogisteeda Laas-caano waxayna sheegeen in Gumaystihii waddanka soo maray uusan xaq u lahayn bixinta xadka lagu muransanyahay.

Qaar kale waxay sheegeen in gobolka walba oo kamid ah 18 gobol ee Soomaaliya uu leeyahay xad la aqoonsanyahay sidaas agteed Somaliland ay xaq u leedahay inay tagto xadka Sool iyo Togdheer.

Bannaanbaxyadan ayaa yimid xilli ay taagantahay xiisad u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland, taasoo cirka isku shareertay markii ciidamo katirsan maamulka Hargaysa ay qabsadeen degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM