Puntland: Barlamanka oo su'aalo weydiiyay xubno kamid ah Xukuumadda

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland oo ku gudaha jira Kalfdhigoodii ugu dambeeyay ee Dastuuriga ahaa ayaa u yeeray mas'uuliyiinta Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha iyo xafiiska Xeer ilaalinta, kuwaasoo wax laga weydiiyay qulqulka Tahriibka oo labadii bilood ee lasoo dhaafay kor u kacay.

Xubnaha loo yeeray oo hortagay Barlamanka ayaa ka jawaabay su'aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada kuwaasoo la xariiray sababta ay wax uga qaban la'yihiin socdaalka Sharci darrada ah ee ka jira deegaanada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdullaahi Timacadde ayaa sheegay in safarka dadka ka imaanaya dalka Ethiopia uu noqday mid kor u kacay islamarkaana xakamayntiisu adkaatay sababo la xariira dadka ka baxay xeebaha Puntland oo kor u kacay muddooyinkii dambe.

Timacadde ayaa xusay in socdaalkan ay markii hore samayn jireen Qowmiyadda Oromada oo kaliya balse iminka ay ku darsameen Tigreega iyo Amxaarada taasina ay keentay in wax laga qaban waayo.

Sidoo kale sarkaal katirsan Wasaaraddaas ayaa tilmaamay inay jireen shabakado isku xiran oo jooga Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaasoo fududeeya howlaha Tahriibta iyagoo waliba is qarinaya, wuxuuna soo jeediyay in wax ka qabashada arrintan lala kaashado dowladda Ethiopia.

Xafiiska Xeer ilaalinta oo Tahriibtan waxa laga weydiiyay ayaa xusay in arrintan ay ku koobantahay golaha fulinta balse uu jiro sharci soo baxay 2010 oo dhigaya in qofkii tallaabadan lagu qabto loo celiyo meeshii uu ka yimid.

Bilihii May iyo June ee aynu kasoo gudubnay waxaa Puntland soo galay in kabadan 18 Kun oo qof oo u badan Qowmiyadda Oromada kuwaasoo u gudbay gobolka Bari, iyagoo doonaya inay u sii gudbnaan dalalka Yemen iyo Sucuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM