Puntland: Burcad Badeed Afduubtey Doon Kaluumeysi

Image

GAROWE, Puntland- Wararka naga soo gaaraya degmada Eyl gobolka Nugaal ayaa sheegaya in koox burcad badeed ah ka afduubeen halka la yiraahdo Mareeya Dooni Kaluumeysi oo uu lahaa nin ganacsade ah ee u dhashey degaanada Puntland.

Doontaan oo magaceeda la yiraahdo Asayr2 ayaa waxaa iska leh nin ganacsade ah oo ka yiraahdo Siciid Cismaan Siciid.

Kooxdaan Burcad badeedka ayaa wararka sheegayaan iney ka dajiyeen 10  shaqaalihii ka shaqeynayey oo u Dhaashane dalka Yamen kadib-na la aadeen Badweynta.

Lama oga sababta afduubka loogu gaystey Doontaan balse warar ayaa sheegaya in kooxdaan burcad badeedka Markab ku doonteen iney ku qabsadaan doontaan Kaluumeysi una isticmaalaan ( Mothership). 

Ganacsadadaha iska lahaa doontaan Kaluumeysi ayaa wararka GO helayo sheegayaan inuu leeyahay Hotel la yiraahdo Zaytuun oo ku yaala degmada Bossaso.

Afduubka Doontaan ayaa imaaneysa xilli dhowaan koox burcad badeed ah afduub ugu gaysateen agagaarka degmada Caluula Markab shidaal ee laga leeyahay dalka Siralanka.

Markabkaan ayaa la sii daayey kadib markii odyaasha degaanka, ciidamada Badda Puntland culeys ciidan iyo waanwaan lala galay kooxdaani looga soo dajiyey Markabkaan.

Dowlada Puntland ayaan gabi ahaanba gacanta ku dhigin kooxdii burcad badeedka ahaa ee qabsatey Markabkaan kuwasoo xukuumadu weli ka hadlin halkey jaan iyo cirib dhigeen kooxdaani.

Falalka burcad badeedka ayaa waxay u muuqdaan iney dib u soo noqdeen kadib markii dowlada Puntland noqotey mid dhiirigalisa Kaluumeysiga sharci darada ah.

Degaanada Puntland oo ku dhaca baddda Cas iyo Hindiya ayaa sanadihii 2007-2012 waxaa halkii ugu sareeysay gaarey falalka burcad badeednimada.

Kooxaha burcad badeedka ee ka howlgali jirey xeebaha Puntland ayaa ka imaan jirey dhamaan qaybaha kala duwan ee Somalia madaama deegaanada Puntland dhacaan degaan badeed ku haboon qabsashada Maraakiibta.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM