Puntland: Caarshe oo ka jawaabey eedaymo loo soo jeediyay [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Puntland, Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa ka jawaabay eedaymo musuq-maasuq oo uu usoo jeediyay Xisaabiyihii Guud ee Wasaaradda u qaabilsanaa Gobolka Mudug, Barkhadle Aadan Muuse.

Eedaynta Xisaabiyaha oo ahayd in Wasiirka uu lacago si shaqsi ah u weydiistay, inuu Musuq-maasuqay canshuuraha laga qaado gobolka Mudug iyo Qandaraas ku baxeysay Mashruuca Dhismaha Kastamka Galkacayo. [Halkan ka Akhri Warka].

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ku kaliftay Xisaabiyaha inuu afka furto ay tahay kadib markii Guddi loo xil-saarey inuu baaritaan ku sameeyaan Lacago uu sheegay inuu lun-saday taasoo dhan $99,000 oo Dollar, oo ahayd mushaarka ciidamada.

Mar wax laga weydiiyay xaqiiqo ahaanshaha war-qad uu Xisaabiyaha usoo bandhigay saxaafadda taasoo muujinaysa in wasiirka uu Akoonkiisa Bankiga ku shubtay Lacago dowladu leedahay, ayuu Caarshe yiri "waa been abuur, waxba kama jiraan."

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa cod dheer ku sheegay in hadda Xisaabiyaha uu yahay mid aan wax shaqo ah u hayn wasaaradda, islamarkaana shaqadii laga joojiyay 17-kii June, sidaas darteeda, hadii uu isaga iclaamiyay inuu is-casilay aysan waxba u arkayn.

Eedaynta loosoo jeediyay Wasiirka, ayaa waxay kusoo aadayaa iyadoo doorashadda guud ee Puntland fooda nagu soo hayso, islamarkaana uu jiro walaac xooggan oo laga muujiyay in maamulka Cabdiwali Gaas mudo-korarsi sharci darro ah sameysto.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'IDA EE CAARSHE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM