Puntland: Caarshe oo ka jawaabey eedaymo loo soo jeediyay [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Puntland, Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa ka jawaabay eedaymo musuq-maasuq oo uu usoo jeediyay Xisaabiyihii Guud ee Wasaaradda u qaabilsanaa Gobolka Mudug, Barkhadle Aadan Muuse.

Eedaynta Xisaabiyaha oo ahayd in Wasiirka uu lacago si shaqsi ah u weydiistay, inuu Musuq-maasuqay canshuuraha laga qaado gobolka Mudug iyo Qandaraas ku baxeysay Mashruuca Dhismaha Kastamka Galkacayo. [Halkan ka Akhri Warka].

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ku kaliftay Xisaabiyaha inuu afka furto ay tahay kadib markii Guddi loo xil-saarey inuu baaritaan ku sameeyaan Lacago uu sheegay inuu lun-saday taasoo dhan $99,000 oo Dollar, oo ahayd mushaarka ciidamada.

Mar wax laga weydiiyay xaqiiqo ahaanshaha war-qad uu Xisaabiyaha usoo bandhigay saxaafadda taasoo muujinaysa in wasiirka uu Akoonkiisa Bankiga ku shubtay Lacago dowladu leedahay, ayuu Caarshe yiri "waa been abuur, waxba kama jiraan."

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa cod dheer ku sheegay in hadda Xisaabiyaha uu yahay mid aan wax shaqo ah u hayn wasaaradda, islamarkaana shaqadii laga joojiyay 17-kii June, sidaas darteeda, hadii uu isaga iclaamiyay inuu is-casilay aysan waxba u arkayn.

Eedaynta loosoo jeediyay Wasiirka, ayaa waxay kusoo aadayaa iyadoo doorashadda guud ee Puntland fooda nagu soo hayso, islamarkaana uu jiro walaac xooggan oo laga muujiyay in maamulka Cabdiwali Gaas mudo-korarsi sharci darro ah sameysto.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'IDA EE CAARSHE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM