Puntland: Cabdisalaam Bashir oo loo doortey duqa cusub ee Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Gollaha degaanka magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta doortey duq cusub, kadib doorasho ay ku tartameen labo musharax oo dhalinyaro ah.

Doorashadan oo codadkooda dhiibteen 31 xubnood oo uu ka kooban yahay gollaha degaanka ayaa waxaa kusoo baxay, oo kursiga ku guuleystay Cabdisalaam Bashir oo loo doortey duqa cusub ee Boosaaso.

Cabdisalaam Bashir ayaa helay 28 cod halka musharaxa kale ee la tarmayay uu helay kaliya 3 cod.

Duqa cusub ee la doortay Cabdisalaam Bashiir ayaa xilkan si KMG ah usoo hayay mudadii lixda bilood ee lasoo dhaafay, kadib markii Madaxweyne Cabdiweli Gaas kala diray March 1, 2018 maamulkii hore ee Boosaaso, oo khilaaf iyo is-qab-qabsi hareeyay.

Waa duqii labaad oo loo doorto magaalo ku taalla Puntland tan iyo August, waxaana ay kuso eedeysa tani xilli guud ahaan degaanada maamulka ay isku diyaarinayaan doorashada Baarlamaaniga oo December 2018 dhacaysa iyo mid Madaxweynaha oo January 2019 loo balansan yahay.

Axmed Xasan Barre, ayaa 29-kii August loo doortey duqa caasimadda Puntland, ee Garoowe, isagoo ka adkaadey Axmed Bashiir [Bakuuke], waxaana doorashada sameeyay gollaha degaanka 27 xubin ka kooban. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM