Madaxweyne Gaas, Camey iyo Xaashi oo ka maqan Puntland xilli dagaal ka socdo Qandala

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Barlamanka, ayaa maanta 3 Dec,2016 safar deg deg ah ugu baxay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, labo maalin kadib markii ay magaalada Garowe kaga hadleen arrimo la xiriira doorashada labada Aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Labada mas'uul [Cabdixakiim Camay iyo Axmed Cali Xaashi], ayaa safarkooda lala xiriirinayaa wadaxaajood la sheegay inay ka galayaan kuraas ka imaanaysa gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaa xusid mudan in arrimahan taagan ay ka hadli karaan madaxda madasha oo qura, iyadoo mas'uuliyiinta u dhoofay Muqdishu, aysan ku jirin hogaamiyaasha ku bahooday madashaasi.

Arrintan ayaa soo ifbaxday kadib markii magaalada Muqdishu ka bilaabatay doorashada xubno ka imaanayay gobolladaas oo la sheegay inay matalayaan maamulka Somaliland.

Safarkan, ayaa lagu soo beegay xilli madaxweyne Gaas ku maqanyahay waddanka Shiinaha, halkaasoo kulamo kala duwan kula leeyahay shirkado shisheeye.

Madaxweyne Gaas ayaa ku sugan magaaalada Nairobi iyadoo wararku sheegayaan inuu dalkaas ku sugnaa doono ilaa maalinta Sabtida oo beegan 11 Dec, 2016.

Lama oga isbadalka ay madaxdani keeni karaan, balse Warsidaha Garowe Online, ayaa fahamsan in Camay iyo Xaashi cadaadis kaga imaanayaan dhinaca beelaha gobolladaasi daga, waxaana maalmahan ku jireen xusul duub ku aadan sidii kuraastaas doorashadooda loogu qaban lahaa dhinaca magaalada Garowe.

01 December, 2016 mar ay saxaafadda si wadajir ah ugula hadleen Muqdishu, waxay dhaliileen siyaasadda dowladda Federaalka iyo doorashooyinka socda, waxaana ku adkaysteen inaan doorasho la gali karin ilaa laga soo dhammaystiro Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.

Majirto wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Federaalka Somalia, sidoo kale lagama warqabo in arrima socda ka warqabo Madaxweyne Gaas iyo in kale.

Maqnaanshaha sadexda mas'uul ee ugu sareeya Puntland

Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagey wadanka China ayaa wararka ka imaanaya safarkiisa sheegayaan inuu ka baaqdey safar la sheegey inuu ku tagayo dalal ka tirsan wadamada Africa iyadoo xogaha laga helayo xusayaan in muddo asbuuc kale ah uu sii Joogi doono magaalada Nairobi.

Maqnaanshaha xubnaha uga sareeya Puntland ayaa ku soo beegmeysa xilli dagaalo ka socdaan Degmada Qandala halkaasoo ciidamada amniga Puntland isu diyaarinayaan iney gacantooda ku soo celiyaan magaladaas.

Qabsashada Qandala oo noqoneysa degmadii  ugu horeysay ay kooxaha argagixisada ka qabsadeen dowlada Puntland intii dhidibada loo taagey ayaa howlgalka kooxdaan ka dhan ka ah waxaa qayb ka ah Ciidamada dowlada iyo maleeshiyo beleedyo dhowaan heshiis la galey xukuumada Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Safarka ay kaga baxeen madaxda u sareysa maamulkaan magaalo madaxda Garowe ayaa ku beegmaya xilli abaaro ba'aan ka jiraan degaano ka tirsan Puntland kuwasoo dad badan ku cayroobeen kuwo kalena macaluul hayso.

Warsidaha Garowe Online ayaa dhowaan idiin soo gudbin doono dhamaan tirada safarada Madaxweyne Gaas kaga baxey Puntland tan iyo intii uu la wareegey xafiiska.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM