Puntland: Camey "Culimadu raali ha iga ahaato"

Image
 
GAROOWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu Sabtidii hore ku duray culimada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay ka gaabiyeen ka hadalka amniga, halka ay ku mashquuleen inay dhaleeceen gabar fannaanad ah oo jirkeeda qayb bannaysay.
 
Hadalkaas oo aad loogu falanqeeyay baraha bulshada ayuu Madaxweyne Camey raali galin ka bixiyay isagoo xusay in culimadu ka carootay, wuxuuna si gaar ah ugu soo hadal qabsaday sheekh Bashiir.
 
"Shir aan ka hadlayay aan ka iri war culimadu ha ka hadasho amniga dalka gabar yar oo heesaysa yaysan ka hadline, culimadu xoogaa waa igu xanaaqday, markay igu xanaaqeena waxaan iri raaligalin baan bixinayaa, waliba hadii uu arkay Sheekh Bashiir Runtii waan ka raali galinayaa uma arkayn inaan dhaliilo ama aan iraahdo waxaan dambi maaha, haa waa dambi laakiin waxaan lahaa war wax ka weyn baa jira, waayo goobtii Soobe inta ku dhimatay kaliya hadaad dib u eegtaan inaan cidno ka hadlin yes culimadu waa ka hadashay laakiin waxaan lahaa kordhiya," ayuu yiri Camey.
 
Camey, ayaa tilmaamay in hadalkaas sida uu yiri laga weeciyay "Culimadana sida loo dhigay ama ay u tahay ama aad u maqasheen anigu marnaba uma oran, waxaad ka hadasheena waa xaq, hadii aad u aragteen in la idin ku gafayna raali ha laga ahaado gaar ahaan Sheekh Bashiir,"
 
Hadalkan ayuu sheegay maanta mar uu ka qayb galay shir looga hadlay amniga Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Garoowe.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM