Puntland: Camey oo lagu wareejiyay Ciidamo iyo Gaadiid dagaal

Image
Image
Image
Image

BUUHOODLE, Cayn- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland oo muddo labo cisho ah ku sungaa magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa galabta lagu wareejiyay Gaadiid dagaal iyo ciidamo gaaraya 135 Askar kuwaasoo kamid noqon doona ciidamada Daraawiishta.

Xaflad kooban oo ka dhacday magaalada Buuhoodle ayaa lagu shaaciyay ciidamadan oo ay wareejiyeen Beesha Guuleed Garaad ee loo yaqaan Barkad.

Qaar kamid ah cuqaasha beeshaas ayaa sheegay in ciidamadan ay ku wareejiyeen Madaxweyne ku-xigeenka islamarkaana soo wadaan 3 gaari oo kale.

Sidoo kale qaar kamid ah waxgaradka Buuhoodle ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu wareejiyay ciidamadan iyo Gaadiidka dagaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa ka mahadceliyay ciidamada lagu wareejiyay, wuxuuna sheegay in ciidanka ay ka qayb qaadan doonaan xoraynta dhulka la haysto.

Wuxuu beelaha kale ee gobolka Sool daga ugu baaqay inay sameeyaan sida ay yeeleen Barkad.

“Dalkan waa la haystaa waxaan u sheegayaa Dhulbahante dee sida Barkad sameeyay sameeya ogaadana dalkan hadhow cidii xoraysataya ayaa wax ku leh,” sidaas waxa yiri Madaxaweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta lagu wareejiyay 135 askari iyo 5 gaari oo Afar kamid ah yihiin Tekniko.

Tallaabadan ayaa timid xilli colaad u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagaantahay gobolka Sool iyo dhibaatooyin ka taagan degmada Laas-caano kuwaasoo lagula kacayay dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM