Puntland: Camey "Somaliland masii haysan doonto Laas-caano" [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlayay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, ayaa Somaliland ku eedeeyay inay dhibaataynayso shacab u badan Carruur iyo haween kuwaasoo badankoodu ku suganyihiin degmada Laas-caano.

Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in boqolaal qof oo shacab ah maamulka Hargaysa ay ku xireen jeelasha islamarkaana kula kacayaan falal aan wanaagsanayn, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay il gooni ah ku eegaan xabsiyada iyo dadka ku jira.

Camey, wuxuu tilmaamay in dadkaas lagu dhibaataynayo fikirkooda iyo inaysan doonayn maamulka Somaliland, wuxuuna shaaciyay in degmada Laas-caano kusoo laaban doonto gacanta Puntland.

Madaxweynaha oo sii hadlaya, wuxuu kaloo sheegay in dagaalka Tukaraq uu sii socon doono inta laga xoraynayo gobollada maqan.

Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in Puntland aysan marnaba ka tanaasuli doonin hadii cid kasta timaado dagaalka socda inta taako kamid ah dhulka Puntland ay ku suganyihiin maamulka Somaliland.

"Labo dagaal ayaa ilaa hadda dhacay, dagaalkuna waa sii soconayaa, wararka umaddu nasoo weydiinaysana waxaan leenahay xaqiiqadu waxa weeye hadii beesha caalamka iyo cid kasta timaado Puntland kama tanaasulayso xaqiiqada jirta dagaalkana ma istaagayo inta taako kamid ah dhulka Puntland ay ku suganyihiin maamulka Somaliland," sidaas waxaa yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kusoo aaday xilli colaada ka taagan Tukaraq ay kor o kacday iyadoo labada maamul hawada isu marinayaan eedaymo kala duwan.

Shalay ayay ahayd markii shacabka Laas-caano ay sameeyeen bannaanbax ay uga soo horjeedaan xukuumadda Somaliland taasoo sababta isku dhaca shacabka iyo ciidamo katirsan milatariga Somaliland, waxaana taasi sababtay dhaawaca 8 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM