Puntland: Camey "Somaliland masii haysan doonto Laas-caano" [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlayay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, ayaa Somaliland ku eedeeyay inay dhibaataynayso shacab u badan Carruur iyo haween kuwaasoo badankoodu ku suganyihiin degmada Laas-caano.

Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in boqolaal qof oo shacab ah maamulka Hargaysa ay ku xireen jeelasha islamarkaana kula kacayaan falal aan wanaagsanayn, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay il gooni ah ku eegaan xabsiyada iyo dadka ku jira.

Camey, wuxuu tilmaamay in dadkaas lagu dhibaataynayo fikirkooda iyo inaysan doonayn maamulka Somaliland, wuxuuna shaaciyay in degmada Laas-caano kusoo laaban doonto gacanta Puntland.

Madaxweynaha oo sii hadlaya, wuxuu kaloo sheegay in dagaalka Tukaraq uu sii socon doono inta laga xoraynayo gobollada maqan.

Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in Puntland aysan marnaba ka tanaasuli doonin hadii cid kasta timaado dagaalka socda inta taako kamid ah dhulka Puntland ay ku suganyihiin maamulka Somaliland.

"Labo dagaal ayaa ilaa hadda dhacay, dagaalkuna waa sii soconayaa, wararka umaddu nasoo weydiinaysana waxaan leenahay xaqiiqadu waxa weeye hadii beesha caalamka iyo cid kasta timaado Puntland kama tanaasulayso xaqiiqada jirta dagaalkana ma istaagayo inta taako kamid ah dhulka Puntland ay ku suganyihiin maamulka Somaliland," sidaas waxaa yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kusoo aaday xilli colaada ka taagan Tukaraq ay kor o kacday iyadoo labada maamul hawada isu marinayaan eedaymo kala duwan.

Shalay ayay ahayd markii shacabka Laas-caano ay sameeyeen bannaanbax ay uga soo horjeedaan xukuumadda Somaliland taasoo sababta isku dhaca shacabka iyo ciidamo katirsan milatariga Somaliland, waxaana taasi sababtay dhaawaca 8 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM