​Puntland: Ciidamada oo baaritaano ka sameeyay Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada amniga Puntland, ayaa xalay howlgallo xooggan ka sameeyay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, halkaaso muddooyinkii dambe nabad-galyadeedu faraha kasii baxaysay.

Howgalkan oo bilowday xalay goor hore, ayaa laga sameeyay qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Bosaso iyadoo guri guri loo baarayay islamarkaana su'aalo la weydiinayay dadka ku sugan goobaha qaybtood.

Ciidamada, ayaa howlgalkaas kusoo qabtay tiro dad ah, kuwaasoo laamaha amniga ka shakiyeen, waxaana iminka ku socda baaritaano kala duwan.

Mid kamid ah saraakiisha ammaanka degmada Bosaso, ayaa GO u xaqiijiyay in ciidamadu gacanta kusoo dhigeen xubno laga shakiyay.

Howlgalkan, ayaa yimid xilli maalmo is-xiga gudahooda xarunta gobolka Bari lagu toogtay labo mas'uul oo xilal ka hayay dowladda Puntland, kuwaasoo ilaa hadda aan dilkooda cidna loo soo qaban.

Waxaa sidaan oo kale maalmo ka hor howlgal ciidamadu sameeyeen kusoo qabteen 120 qof oo looga shakiyay amni darrada degmadaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM