Puntland: Ciidanka PSF-ta oo ka qayb qaadanaya gurmadka abaaraha

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii loo caawin lahaa bulshada abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaanada Puntland, waxayna gurmadyo kala duwan ka sameeyeen qaybo kamid ah gobollada maamulkaas gaar ahaan meelaha ay ku suganyihiin dadka ay xaaladda sida adag u taabatay.

Ciidankan ayaa dadkaasi gaarsiinaya Raashin, Biyo iyo Caano, waana mid ay ka jareen mushaharkooda billaha ah sida ay GO u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka.

Waxay gaarsiiyeen gurmadkoodii ugu dambeeyay gobolka Cayn gaar ahaan degmada Buuhoodle oo ay ka jirto dhibaato adag oo ka dhalatay abaaraha gaar ahaan cudur soo ritay dad tiro badan.

Agaasimaha Gobolka Nugaal ee Ciidanka PSF Puntland Gaashaanle sare Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa maanta ku wareejiyay deeqdaan masuuliyiin ka tirsan Barlamanka iyo Xukuumadda Puntland kuwaasoo usii gudbiyay guddiga abaaraha iyo maamulka Gobolka Cayn.

Deeqdan ayaa waxaa la wareegay mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka, wasiirka Beeraha iyo xubno kale.

Waxay ka mahadceliyeen dadaalka ay wadaan ciidanka difaaca Puntland, waxayna sheegeen inay tahay arrin lagu daydo oo muujinaysa in ciidanku markasta dhiigooda u hurayaan bulshada tabaalaysan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli shacabka Puntland dadaal xoog leh u galeen sidii loo kaalmeyn lahaa dadka abaaruhu saameeyeen xilli doorka dowladdu uu aad u hooseeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM