Puntland: Daawo wareysigii sababey in Deperani xabsiga loo taxaabo

Image

21 Nov, 2015 (GO)- Kadib markii wariye Jamac Deprani oo ka tirsan Tv-ga Somali Chanel uu wareysi dhinacyo badan taabanayey aqalka madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ka daganyahay madaxtooyada Puntland kula yeeshey wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa waxaa dadweynaha Somalia daawadeen habeenimadii Jimacaha 20 Nov,2015 barnaamijkaan oo dhameystiran.

Wariye Jamac Deprani ayaa wareysigana wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ku waydiiyey su'aalo xasaasi ah kuwasoo sababey in xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas bixiso amarkii lagu soo xirey.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa wareysigaan ku cadeeyey in 600 qof ee fariistey magaalooyinka kala gedisan ee Puntland kuwasoo la sheegey in wax laga waydiinayo nidaamka doorashada ka dhaceysa Somalia 2016, 350 qof oo kamid ah aragtidooda wax tixgalin ah la siin doonin.

Barnaamijkaan ayaa nasiib daro dadweynaha Somalia gaar ahaan reer Puntland daawadeen iyadoo wariye Jamaac Depraani ku jiro xabsiga ku yaala saldhiga Booliska magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKAAN OO DHAMEYSTIRAN- XIGASHO SOMALI CHANEL

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM