Puntland: Dagaal ka socda duleedka tuulada Garacad

Image
Image

GAROWE, Puntland- Wararka ka imaanaya jiida hore ee aaga tuulada Garacad gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo firxadka kooxda Al Shabaab uu ka socdo halka la yiraahdo Dhinowdo Qorwyaweyn.

Degaanka xeebta u dhexeeya tuulada Dhinowda Qoryaweyn iyo Garacad ayaa wararka sheegayaan in ciidamada Puntland maanta duhurkii  21 March,2016 isku hortaageen kooxda firxadka ah ee Al Shabaab oo qorsheyneysay iney halkaas uga gudbaan dhinaca Koonfurta Mudug.

Dagaalkaan ayaa warrarku sheegayaan in aan la aqoon karin khasaarahiisa madaama uu socdo balse wararka kale ee ka imaanaya taliska ciidamada ee jiidaas baa sheegaya in la qabtey maxaabiis firxad ah kuwasoo gaaraya 50 maleeshioyaad ah.

Sarkaal diidey magaciisa in aan xusno ayaa Garowe online u sheegey in maxaabistaan firxadka ah ka carareen dagaalkii maalintii shalay 20 March,2016 dhexmarey ciidamada amniga iyo kooxaha Al-Shabaab kuwasoo khasare balaaran kasoo gaarey degaanada xeebta ah oo ay ka soo dageen.

Warsidaha Garowe Online kala soco wararka ugu dambeeya dagaaladaan.

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM