Puntland: Dagaal ka socday Balli-khadar oo is-taagay [Faah faahin]

Image

BOOSAASO, Puntland- Dagaal muddo saacado ah dhexmarayay deegaanka Balli-khadar ee gobolka Bari ciidamo katirsan kuwa badda Puntland ee loo yaqaano PMPF iyo mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa lagusoo waramayaa inuu is-taagay islamarkaana sababay khasaaro kala duwan oo dhimash iyo dhaawacba leh.

Saraakiil katirsan ciidanka PMPF-ta oo la hadlay GO, ayaa xaqiijiyay in dagaalku istaagay islamarkaana ciidamadu ka baxeen saldhigii ay ku lahaayeen deegaankaas sababo aan la shaacin.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamadu iska caabiyeen weerar Gaadma ah oo uga yimid dhowr jiho.

Dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in dagaalkaas la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan inkastoo aysan jirin cid si madax bannaan u xaqiijin karta khasaaraha dagaalka maadama uu kusoo aaday xilli habeen ah oo ay adagtahay in la helo xogta dagaalka.

Dowladda sidoo kale kama hadlin weerarkan oo ku soo aaday xilli xiisad dagaal oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ay ka taagantahay degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Lama oga waxa isku soo beegay labadaas xiisadooda, inkastoo xukuumadda Puntland horay ugu eedaysay Somaliland inay taageerto ururka Al Shabaab.

Waqtigaan oo kale sannadkii hore Shabaab ayaa weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidamada badda Puntland.

Mallayshiyadan ayaa weeraradeeda gaadmada ah kor u qaada xilliga Ramadaanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM