Puntland: Dangorayo oo laga diiday "diiwaan-gelinta hubeysan"

Image
Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan Garowe si dhuumaalaysi ah uga saaray agabka.

GAROWE, Puntland - Bulshada magaalada Dangorayo ee gobalka Nugaal ayaa ka hor yimid diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Puntland.

Odayaasha, Haweenka, Waxgaradka iyo dhalinyarada degmadan oo warbaahinta halkaasi kula hadlay ayaa sheegay in Dangorayo aan la keenin wax ay wadato "cid dano guracan leh".

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan Garowe si dhuumaalaysi ah uga saaray agabka diiwaan-gelinta doorashada iyada oo aysan ogayn xubnihii loo tababaray diiwaan-gelinta.

TPEC ayaa agabka diiwaan-gelinta oo ay galbinayaan ciidamo iyo gaadiid waxaa ay gaysay degmooyinka Burtinle iyo Dangorayo ee gobalka Nugaal iyada oo doonaysa in halkaasi laga bilaabo maalinta bari ah.

Sidoo kale, degaanka Dalsan ee degmada Dangorayo waxgarad iyo odayaal halkaasi shir jaraa'id ku qabtay ayaa xusay in aan gebi ahaanba laga qaban karin degmada Dangorayo doorasho ay "bulsho gaar ah madaxa ku sidato".

Dangorayo ayaa odayaashu sheegayaan in laga hayaamay iyada oo reer guuraagi ay naq raaceen isla markaana laga diiwaan-geliyay gobalada Bari iyo Karkaar halkaasoo madmadow uu kasoo shir-baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM

Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada.

  • Puntland

    21-09-2025

  • 12:59PM