Puntland: Degmada Dangorayo oo loo doortey Gudoomiye la isku khilaafsan yahay

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii maalintii shaley 21 Sept, 2016 madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas booqasho ku tagey Degmada Dangorayo ayaa wararku sheegayaan in natiijadii kasoo baxdey doorashadaas lagu kala qaybsanaa.

Wararka ayaa xusaya in madaxweynaha dowlada Puntland ku adkaatey inuu qanciyo dhinacyada u tartamayey xilka gudoomiyaha Degmada iyo tageerayashooda taasoo qarka u fuushey but-bur.

Wasarada arimaha gudaha oo horey ugu fashilantey iney dhisto golaha degaanka degmadaan ayaa xiligaan madaxweynaha Puntland ka codsatey in culeyskiisa ku biiriyo sidii loo qancin lahaa dhinacayada is khilaafsan

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan in muranka taagan qayb ka ahaayeen laamaha dowlada kuwaasoo faragalin ku sameeyey tirada xildhibanada oo markii hore aheyd 21xubnood.

Tirada golaha degaanka Dangorayo ayaa la gaarsiiyey 27 xubnood iyadoo xildhubaano ka tirsan Barlamanka Puntland ku darsadeen xubnaha abuurey khilaafka.

Doorashada gudoomiyaha degmada Dangorayo ee xalay galinkii dambe dhacdey waxaa ka qayb qaatey 19 kamid golaha degaanka halka 8 xubnood  aysan imaan gabi ahaan goobta doorashada.

19 xubnood oo kamid ah golaha degaanka Dangorayo ayaa Gudoomiye degmo si gacan taag ah ugu doortey Mukhtar Cabdiraxman.

Dhinaca kale gudoomihii hore ee degmada iyo 7 xildhibaan baan ka qayb galin doorashada golaha degaanka Dangorayo.

Dhinaca kale warsidaha GO ayaa fahansan in madaxweynaha Puntland faragalin buuxda ku sameeyey qaabka doorashada u dhaceyso kadib markii xubnaha diidan iyo kuwa ogol in doorasho dhacdo u qaybsameen 17 iyo 10 xubnood.

Warkaan ayaa sheegaya in iyadoo sharcigu dhigayo in 19 xubnood buuxin karto kooramka uu madaxweynaha Puntland la kulmey labo xubnood oo ka tirsan qabaa'ilka ku yimid kordhinta lagu sameeyey golaha kuwasoo tiro ahaan ku jirey tobanka xubnood oo diidan in doorashadu aysan  qabsoomin.

Madaxweynaha Puntland ayaa labadaan xubnood ku qanciyey goor aheyd fiidkii dambe habeenkii Xaley 21 Sept, 2016 in doorashada ay  galaan islamarkaana ku biiraan 17 xubnood ee ku jirey Hoolka shirarka isagoo ugu abaal sheegtey in golaha degaanka uu ka siiyey labo xubnood.Tirada xubanaha oo markaas noqotey 19 xildhibaan ee ka tirsan golaha degaanka Dangoroyo kuwaasoo tiro ahaan ka kooban 27 xubnood ayaa Gudoomiye degmo u doortey markaas kadib Mukhtar Cabdiraxman iyadoo natiijadaas uu ku dhawaaqey wasiirka arimaha gudaha Puntland.

Doorashooyinka golayasha degaanka Puntland ayaa sadexdii sano ee u dambeeyey waxaa hareeyey muran iyo is-qabqabsi kadib markii fatagalin ku sameeyaan hay'adaha kale ee dowlada kuwaasoo ku tuntey sharcigii dowladaha hoose.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM