Puntland: Goobta lagu hishiisiinayo beelaha oo la dhagax dhigay dhismo nabadeed

Image
Image

25 Octobar, 2015(GO)-Odoyaasha dhaqanka ee ku hawlan sidii nabad looga dhex abuuri lahaa beelaha walaaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Qorilay iyo Magaclay ee gobollada Sool iyo Nugal aya dhagax dhigay dhisme loogu magac daray dhismaha Nabadda.Halkan ka daawo

Odoyaashan oo ka socda deegaanada Puntland iyo maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gogosha nabadeed la dhigay deegaanka Xoorre oo u dhaxeeya labada deegaan ee lagu dagaalamay, waxayna tilmaameen in la keenay dhammaan agabkii lagu dhisi lahaa.

Waxgaradka ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii loo keeni lahaa agabkaasi, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in guul waarta laga gaaro colaadda beelaha ee soo aloosnayd muddo ka badan 10 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM