Puntland: Dhul-gariir kusoo food leh gobolka Barri

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida laga soo xigtay website ka faaloodda arrimaha musiibooyinka, Dhul-gariir ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhufto deegaanka Bareeda oo ku dhow degmadda Caluulo ee gobolka Barri ee maamulka Puntland.

Dhul-gariirka ayaa waxaa cabirkiisu dhan yahay 4.5 oo cabiraadda Dhulgariiryadda ah, waxaana qotada hoose ee dhulka uu dhulgariirku gaari doonana ay tahay 10 KM.

Dadka ayaa loogu baaqay inay kasoo baxaan Guryahooda, islamarkaana ay ka fogaadeen Darbiyadda jilicsan, halka kuwa baabuurta saaran loogu baaqay inay ka deegaan marka ay dareemaan Dhul-gariir.

Sidoo kale, dadka deegaanka waxaa laga codsaday inay ka foogaadaan dhismooyinka ka sameysay Shubabka ee kusoo dumi kara, ka hor inta uusan Dhul-gariirku bilaaban.

Sida la saadaalinayo, waxaa la qiyaasayaa in Dhul-gariirka uu kaliya ku oobnaado deegaanka Bareedda, mana u gudbi doono deegaanadda kale ee hoos-yimaada gobolka Barri.

"Waxaa uu bilaaban doonaa Dhul-gariirka 30 bisha June 2018, xili dambe oo caweysnimadii ah," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray Website Natural Hazards, oo xogtaan daabacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dhul-gariir loo saadaaliyo Soomaaliya, inkasta ay horey uga dhaceen kuwa qaar, hadana Khubaradda ayaa ku tilmaamay Dhul-gariiraddaas dhacay kuwa "Sunaami ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM