Puntland: Dibadbax rabshad wata oo Bosaso ka dhacey

Image

BOSASO: Magaalada Bosaso ayaa waxaa ka dhacey dibadbaxyo rabshado wata iyadoo wararku sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac jiro.

Waxaa magaalada bartamaheeda laga maqlayey dhawaaqa rasaasta iyadoo ciidamada amniga ku howlan yihiin sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Wararku aan heleyno ayaa sheegaya in dibadbaxaan ka bilowdey dhalinyaro u mudahraadeysa nin la yiraahdo Cabdicasiis Farax Xaaji Siciid oo ciidamada amniga maalintii shaley xireen.

Cabdicasiis ayaa laga xirey kulan la sheegey in koox dhalinyaro ah ku lahaayeen bartamaha magaalada kuwasoo hay'adaha Dowlada ka shakiyeen iney banaanbaxyo diyarinayaan.

 Banaanbaxyadaan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magaalada Bosaso halkaasoo la sheegey in ku mashqulsanaa maalmihii la soo dhaafey cabashooyin ka imaanayay beelaha Degaanka gobolkaas.

GAROWEONLINE kala soco wararka dambe ee la xiriira banaanbaxaan.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM