Puntland: Doon ku gubatay nawaaxiga Dekedda Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Doon siday shixnad kala duwan ayaa dab ku qabsaday meel u dhow dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online, oo xiriir la sameeyay dad ka sugan dekedda magaalada ganacsiga Puntland.

Doontan oo magaceeda lagu sheegay Nuur Saabir ayaa taagnayd meel aan ka fogayn dekedda iyadoo waqtigaas qorshaynaysay inay kusoo xirato dekedda magaalada Boosaaso.

Dabka qabsaday ayaa wax faah faahin ah laga heli karin, balse waxaa loo badinayaa inay tahay dab Doonta dhexdeeda ka qarxay.

Majirto cid katirsan dowladda iyo ganacsatada gobolka Bari oo gurmad u samaysay Doontaas.

Sawirro laga soo qaaday nawaaxiga dekedda Boosaaso ayaa muujinaya Qiiq iyo Uuro isku shareeray cirka.

Maaha markii ugu horaysay oo Doon dab ku qabsado meel u dhow dekedda magaalada Boosaaso.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dekeddu aysan lahayn agabka loogu gurmado Gaadiidka kusoo xirta iyadoo mararka qaar ay dhacdo masiibooyinkan oo kale.

Dhawaan ayay ahayd markii Doon siday Badeecooyin kala duwan ay ku caariday Dekedda magaalada Boosaaso, taasoo markii dambe keentay inay u gurmadaan shacabka gobolka oo kaashanaya dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM