​Puntland: Doorashada 12 Xildhibaan Aqalka hoose oo lasoo gaba-gabeeyay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ergooyin 102 qof ah oo ka kala socotay beelaha Cali Jibrahiil iyo Dishiishe, ayaa maanta doortay labada Xildhibaan ee ugu dambaysay mudanayaal gaaraya 12 Xildhibaan oo dhawaan u yeereen guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland.

Ergada beesha Dishiishe, ayaa u codaynaysay murashaxiinta labo ah oo u tartamaya kamid noqoashada xubnaha Aqalka hoose ee Puntland u matali doona Barlamanka Federaalka Somalia.

Murashaxiinta kala ah; Axmed Cali Xirsi iyo Cabdullaahi Bile Nuur

Waxaa guulaystay; Cabdullaahi Bile Nuur oo helay codad gaaraya 39 cod, halka ninka la tartamay ee uu helay 10 cod, waxaa xumaaday Labo cod.

Dhinaca kale kursiga 11aad oo ay ku loollameen saddex murashax oo kala ahaa; Siciid Faarax Maxamuud Oja, Maxamed Axmed Kulan iyo Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, ayaa ku tartamaya kursigaas oo codayntiisa goordhow lasoo afmeerayo.

Waxaa booskaas kusoo baxay; Cabdicasiis Maxamed Maxamuud  Qambi,

Mar uu ka Warsidaha GO uga waramay dareenkiisa, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashadiisa isagoo tilmaamay inuu ku dadaali doono sidii ay usoo dooran lahaayeen Guddoomiye iyo madaxweyne dalka waxtara.

Goobta doorashada oo ah jaamacadda Bariga Africa qaybta Garowe, waxaa ku sugan mas'uuliyiin ka socotay UNSOM, guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kor joogto la socotay doorashada.

Guddiga doorashada, ayaa maalmaha soo socda iclaamin doona waqtiga loo yeerayo Ergooyinka dooran doona Xildhibaanada haray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM