Puntland: Dowladda oo ka hadashay dagaal kasocda Suuj Nugal

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland oo warbaahinta kula hadlayay magalo Madaxda Puntland ee Garowe, ayaa ka hadlay dagaalka kasocda deegaanka Suuj oo hoostaga degamada Dangoroyo ee gobolka Nugal, wuxuuna sheegay in iska horimaadkaasi ka dhashay qasaaro kala duwan oo u badan dhanka kooxda lala xiriirinayo Shabaab.

Maxamud Xasan Soocade, ayaa ugu baaqay mallayshiyaadka dagaallamaya inay isa soo dhiibaan oo gacanta dowladda soo galaan, isagoo u ballan qaaday inaan la dhibaatayn doonin lagu celinayo meelihii ay ka yimaadeen.

Hadii arrintaasi ka dhaga adagaygaan, wuxuu wasiirku xusay in lala dagaallami doono shuruucna waddanka uga yaallaan.

Wuxuu sheegay in ciidadam Puntland aad u qalabaysaan yihiin islamarkaana kooxdan , wuxuuna laamaha ammaanka uga mahadceliyay difaaca dalka isagoo u ballan qaaday in loo abaalgudi doono.

Soocade, ayaa wax laga weydiiyay qorshaha xukuumadda ee ku aadan shacabka lagu dul dagaallamay, wuxuuna sheegay in dowladdu wixii awoodeeda ah dadkaasi diyaar ula tahay, balse looga baahanyahay inay difaaca dalka ka qayb qaataan.

Arrintan ayaa timi kadib markii dagaal kharaar uu saaka ka dhacay halka lagu magacaabo Suuj, waxaana warar madax banaan oo aan helayno sheegayaan dhimashada 11 katirsan dagaalyahannadaasi, balse ma jirto cid si cad u  xaqiijin karta arrintaasi iyadoo ay adag tahay in la helo xaqiiqada jirta maadama weli dagaalku socdo.

Saraakiil jiidda hore ku sugan ayaa kusoo waramaya in kooxdaasi kala firxadeen islamarkaana galeen goobo boholo ah oo ciidamo ku hareeraysanyihiin.

Dhinaca kale xaaladda degmada Godob Jiiraan ayaa dagan, waxaana duleedka xaruntaasi ku sugan ciidamo katirsan dowladda iyadoo Shabaabku ku suganyihiin meel ilaa 30KM ujirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM