​Puntland: Farole iyo Keating oo Garowe ku kulmay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe ku kulmay Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobay u qabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating iyagoo kawada hadlay xaaladda Somalia iyo aragtida ay ka qabaan nidaamka la sheegay in lagu salaynayo doorashada dalka ee 4.5. 

Waxaan kulankan oo ka dhacay oo xarunta PDRC, labada mas'uul ku wehelinayay qaar kamida golaha xukumaddii Farole iyo safiirrO kasocda waddamada daneeya arrimaha Somalia, waxana inta uu socday lagu gorfeeyay sababaha beesha caalamku ku doorteen in habkan la qaato. 

Madaxweyne Farole iyo siyaasiyiinta wehelinaysay ayaa wafdigan Garowe u yimid wadatashiga u sheegay inaan la aqbali karin nidaamkan, maadama uu baal-marsanyahay hishiiyadii horay loo galay, waxayna xuseen inuu ku tumanayo xuquuqda iyo rabitaanka shacabka Somaliyeed ee doonaya nidaamka degmooyinka in lagu saleeyo doorashada. 

Waxay ugu baaqeen beesha calamka inay dhex-dhexaad ka noqoto waxyaabaha kasocda Somalia, ee aysan qaadan rabitaanka dowladda Federalka ku fashilantay hogaaminta waddanka sida ay hadalka u dhigeen . 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Micheal Keating, ayaa dhankiisa sheegay inay arrintani keentay duruufta dalka ka jira, waxuuna tilmaamay inay Puntland u yimaadeen qaabkii ay u ogaan lahaayeen fikirka dhinacyada kala duwan ee bulshada Puntland. 

Dhinaca kale kulamo uu la yeeshay bulshada rayidka ah ee Puntland iyo madax-dhaqameedyada ayaa kusoo dhaammaday "Qaata 4.5 iyo qaadan mayno", waxayna ku tilmaameen in habka beesha caalamka wado inuu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka u yaalla. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM