Puntland: Gaari siday qoys reer Miyi ah oo Gadoomay

Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland- Gaari ah nooca xamuulka qaada oo siday qoys reer guura ah, ayaa abaare 03 habeenimo ee xalay ku gadoomay nawaaxiga degaanka Sheerbi oo katirsan degmada Waaciya ee gobollka Karkaar.

Shilkaas ayaa sababay khasaaro laxaad leh oo soo gaaray dadkii iyo duunyadii saarnaa, sida uu GO u xaqiijiyay wariye la kulmay dhacdadaas oo lagu magacaabo Daa’uud Giirow.

Sawirro uu soo qaaday ayaa muujinay mashaqada halkaas ka dhacday waxaana shilkaas ka bad-baaday ilmo yar oo kamid ahaa dadkii saarnaa.

Waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo labo kamid ah xaaladooda ay liidato kuwaasoo la sheegay inay Koomo ku jiraan. Darawalkii baabuurka ayaa kamid ah dadka dhaawacmay.

In kabadan 70 neef ayaa sidoo kale ku naf-waayay shilkaas.

Lama oga waxa keenay inuu gaarigu dhaco, balse xilliga uu gadoomay wuxuu marayay dalcadda Sheerbi.

Gaarigan ayaa reerka ka keenay goobihii reer guuraagu u hayaameen dhammaadkii sannadkii hore ee gobolka Karkaar.

Wuxuu kusii jeeday deegaanka Ceel-afweyne ee maamulka Somaliland.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday degmada Qardho halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Maaha shilkii ugu horeeyay ee ka dhaca deegaanada Puntland oo soo wajaha qoysas reer guura ah, waxaana dhawaan sidaas oo kale shil u galay qoys reer Miyi ah oo ku sugnaa nawaaxiga deegaan Ceelbuh ee gobolka Nugal.

Shilalka ayaa inta badan waxay ka dhashaan, baabuurta oo si xad-dhaaf ah loo raro islamarkaana lagu kaxeeyo xawaare sare iyo darawaliinta oo gawaarida kaxeeya iyagoo hurdaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM