Puntland: Gaas oo eryay Agaasimayaasha Hay'adahii PSS iyo PIA

Image

GAROOWE, Puntland - Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa waxaa xilkii looga qaaday Agaasmiyaashii Hay'addaha Nabada Sugida Iyo Sirdoonka Puntland ee PSS-ta iyo PIA-da. 

Labada mas'uul ee uu xilka ka qaadey Madaxweyne Gaas waxay kala yihiin, Cabdirsaaq Ciise Xuseen [Khaatumo] oo ahaa Agaasimahii PIA-da iyo Cabdulaahi Aadan Maxamed [Cabdulaahi Ulle] oo ahaa Agaasimihii PSS-ta.

Hay’adaha sirdoonka Puntland ayaa muddo howlgab ka ahaa kadib markii Madaxweyne Gaas dowlada uu madaxda ka yahay ka waayeen misaaniyadii howlgalada ku gali lahaayeen.

“Xil ka qaadista madaxdaan ayaa waxba soo kordhineyn madaama ay howlgab ahaayeen hay’adahaan Afartii sano ee lasoo dhaafey.” Sidaas waxa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsanaan jirey hay’adahaan.

Puntland ayaa xil ii sirdoonka uusan shaqeyn ayaa waxaa ka dhaca falal argagixiso iyo dulaano kooxaha argagixisada ah ku soo qaadaan ciidmada amniga

Hoos Ka Akhri War-saxaafadeed: 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA. 

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland; 

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. 

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay'adaha amniga. 

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 

Wuxuu Xeeriyey: 

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay'ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo). 

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay'ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle). 

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. 

=DHAMMAAD=

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM