​Puntland: Gaas oo ka tacsiyeeyay dilkii Marxuum Aaden Gaas

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa tacsi ka diray dilkii galabta loo gaysatay AUN marxuum Aadan Gaas Yusuf Huruuse oo ahaa agaasimaha xarunta madaxtooyada magaalada Bosaso.

Gaas, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay falkaasi foosha xun ee lagu dilay marxuumka, wuxuuna tacsi u diray dhammaan ehelkiisa, qaraabadiisa iyo shacabka reer Puntland ee uu ka baxay.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun waxaan tiiraanyada la wadaagayaa eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ee uu ka baxay marxuum Aadan Gaas Yuusuf Huruuse maamulihii Madaxtooyada Boosaaso oo gacan ka xaqdarani ay ku dishey magaalada Boosaaso,"Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu marxuumka ku sifeeyay shakhsi wadani ahaa oo aad holwkar u ahaa, kaasoo shaqo weyn ka yahay magaalada Bosaso.

"Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi hawlkar ah oo ay ku xooggantahay damiirka waddaniyaddu, isla markaana yaqaana masuuliyadda saran, si wanaagsana uga soo baxa waajibaad kiisa shaqo”ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland,"Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Tacsiyaynta madaxweyne Gaas, ayaa timid xilli amniga Bosaso oo sii xumaanaya xilli muddo kooban oo ka yar Asbuuc lagu dilay labo mas'uul oo dowladda katirsan, kuwaasoo ilaa hadda dilkoooda cid loo soo qabtay aysan jirin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM