Puntland: Gaas oo ku soo wajahan magaalada Garowe

Image

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa la flayaa in maanta uu soo gaaro magaalo madaxda Puntland ee Garowe isagoo maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa magaalada Bossaso.

Safarka madaxweynaha Gaas ayaa la xiriira wafdi ka socda beesha caalamka oo maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Garowe kuwasoo u socda in Puntland ka raaridaan iney aqbalaan go'aanka Dowlada Federaalka ee qaabka doorasho ee Somalia.

Mud. Cabdiweli ayaa kasoo ambabaxaya magaalada Bosaso xilli maamlmihii las oo dhaafey ka dhaceen rabshado dad ku dhinteen kuwasoo warrarku sheegayaan in xaalada degan tahay waqtigaan.

Qabaa'ilka ayaa warrarku sheegayaan in wadahadalo ka bilaabeen xalinta dilal lagu sameeyey Askari dhintey maalmihii mudaharaadka dhacayey iyo ganacsade lagu toogtey Bosaso isagoo ku sugan ganacsigiisa.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira  safarka Madaxweynaha Puntland saacadaha soo socda.

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM