Puntland: Gaas oo raaligelin ka bixiyay hadal uu ugu gefay Beelaha KG

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha uu waqtiga dhamaadey ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyay hadal uu dhawaan ka jeediyay degmada Baran, ee gobolka Sanaag kaasoo uu ugu gefay beelaha Koonfur Galbeed.

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland, ayaa lagu sheegay in hadalkii Gaas ee kiciyay carada dadweynaha reer Koonfur Galbeed uusan ahaa mid si qaldan loo fasiray, islamarkaana ay raali-gelin ka bixinayaan.

Isagoo khudbad ka jeedinayay degmada Baran, Gaas ayaa yiri: “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Erayadan xanafta leh ayaa ka dhaliyay baraha bulshada [Social Media] dood kulul, iyadoo ay si weyn u dhibsadeen shacabka u dhashay Koonfur Galbeed, oo u arka gef iyo qalad weyn, oo meel looga dhacay sumcadooda, laguna bahdilay.

Gaas oo mudo-xileedkiisa uga hartay 3 bilood ayaa lagu eedeeyay inuu si ka fiirsi la'aan ah ugu hadlo hadallo muran dhaliya, sidoo kalena dhaawaca maqaamka Puntland, iyadoo siyaasiyiin ku eedeeyeen inuu maamulkan ka weeciyo hadafkii loo aas-aasay.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM