Gaas oo u safray Kenya, kana hadlay dagaalka Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Arbaco ah u duulay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya oo uu kaga qayb galayo shir madaxda maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug isugu imaanayaan.

Madaxweyne Gaas oo ugu horeyn ka hadlay ujeedka safarkiisa magaalada Nairobi ayaa ka jawaabay su'aalo dhowr ah, waxaana wax laga weydiiyey in safarkiisa Nairobi uu qayb ka yahay xaalad dagaal oo ay xiligani galayso Puntland iyo sidoo kale in magaalada Muqdisho uusan ku hakan doonin maadaama khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu haatan marayo meeshii ugu saraysay.

"Waxa weeye dagaalka anigu diyaar garowgiisa iyo dhamaadkiisa wakhtigeeda ayey leedahay hadii anoo bixin dagaal dhacayna waxaa laga yaabaa anigu taas mas'uuliyeeda ma lihiye sababtuu u dhacay ciduu u dhacay ayaan weydiinaynaa markaa waxaasi waa hawl Malateri waa hawl gaara meeshana munaasibada kuma aha in lagaga jawaabo," ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in uu sii mari doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya inta uusan usoo gudbin magaalada Nairobi waxaana uu yiri mar uu arimahaasi ka hadlayey "Waan marayaa Muqdisho caasimada dalka weeye Xamar ma cid baa naga xigta anaga".

Marka laga yimaado safarka magaalada Nairobi ee madaxweyne Gaas ayaa waxaa magaalada Garoowe iyo deegaanada kale ee Puntland haatan ka taagan hadal haynta dagaalo cusub oo dhex mara Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo madaxweyne Gaas ku baajinayo doorashada madaxtinimada Puntland, oo 3 bilood kaharsan.

Gaas ayaa sheegay in Nairobi uu kaga qayb gali doono shir weyne balaaran, waxaana uu xusay in safarkiisa Nairobi xaalad dagaal uusan ka dambeyn oo arimahaasi ay yihiin kuwo malateri jawaabtoodana ay bixinayaan shakhsiyaadka qaabilsan arimahaasi.

Kuanka Nairobi ayaa wararku sheegayaan in uu badalayo kulan Garowe madaxda maamulada isugu imaan lahaayeen kaasoo la filayo inuu baaqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM