Puntland- Ganacsade qarax lagula beegsadey magalaada Galacakayo

Image

GALKACAYO, Puntkand- Qarax ka dhacay  magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ku dhintay nin ganacsade ah oo magaciisa la yiraahdo  Cabdirisaaq Muuse Nuur( Jaxeer) kadib markii qarax lala beegsadey gaarigiisa.

Wararka GO ay ka helayso Galkacayo ayaa sheegaya in ganacsadahaan ka tirsanaa guddiyo kala duwan kuwasoo kamid ahaayeen guddi qaabislan dib u dhiska Isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo halka uu xubin ka ahaa guddiga abaaraha.  

Dilka Ganacsadahaan ayaa waxaa saxaafada u xaqiiyey Taliyaha Qaybta gobolka Mudug.

AHN Cabdirizaq Muuse Nuux ayaa wararku sheegayaan inuu la dhashey Xildhibaan Sanyare oo horey uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dilal qorshaysan ayaa maalmahan ka dhacayey Gaalkacayo iyadoo ciidamada amaanka Puntland ay wadaan howgalo lagula tacaalayo amni darrada soo foodsaartay.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM