​Puntland: Garowe goobo lagu qoray "Doonimayno 4.5"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxaa saaka lagu waabariistay magaalo madaxda Puntland ereyo lagu qoray goobaha muhiimka ah ee bartamaha caasumadda iyo qaar kamid ah xaafadaha degmada Garowe kuwaasi oo lagu muujinayay sida ay uga xunyihiin in doorashada dalka Somalia lagu saleeyo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee 4.5.

Darbiyada xuromo dowli ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa lagu muujiyay qoraal kooban oo u dhignaa-NO 4.5- ama doonimayno 4.5, waxaana arrintaasi timi xilli magalada Garowe ku suganyahay wafdi uu hogaaminayo Cumar Cabdirashiid oo ujeedkiisu yahay sidii Puntland loogu qancin lahaa qaadashada habkaasi.

Lama garankaro cidda arrintaasi samaysay  iyo waxa xilligan ku soo beegay, balse dadka qabtiis ayaa aad uga cabsi qaba xukuumadda madaxweyne Gaas lagu qanciyo qaadashada go'aankaas ay horay u diideen shacabka iyo madaxdaba.

Kulamo dhexmaray wafdiga Cumar Cabdirashiid iyo guddi Puntland u saartay wadaxaajood laga yeesho arrintaasi ayaa weli la isku mari la'yahay, waxaana wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online sheegayaan in qodobo la hordhigay wafdiga DFS aysan weli ku qancin xukuumadda madaxweyne Gaas.

Horay mas'uuliyiin isugu jiray dowladda dhexe ee Somalia iyo beesha caalamka ayaa ku fashilmay hirgalinta rabitaankooda waxaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xukuumaduba si cad u sheegeen inaysan doonayn 4.5.

Dadka reer Puntland gaar ahaan Garowe, ayaa qaba walwal xooggan oo salka ku haya in cadaadis badan kadib nidaamkaasi loo hogaansamo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM