Puntland "Go'aanka Qaadka lagu joojiyay nama khuseeyo" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa ka hadashay go'aanka xukuumadda Somalia ku joojisay diyaaradaha Jaadka kasoo qaada dalka Kenya, kaasoo la sheegay in 06 September laga bilaabo magaalooyinka dalka aysan imaan karin.

Afhayeenka xukuumadda Puntland oo mar dhaweyd la hadlay warbaahinta Radio Garowe ayaa tallaabadaasi ku macneeyay mid aan khuseyn deegaanada Puntland, isagoo intaasi ku daray in waddanku yahay Federalka maamulka kastana arrimihiisa u madax bannaan yahay.

Quraan jecel ayaa ku baaqay in diyaaradaha Kenya imaan karaan garoomada Puntland islamarkaana xuduudu u furantahay ganacsada Somalida.

Hadalkan ayaa yimid xilli galabta xukuumadda Somalia ku dhawaaqday inay hakisay Qaadka ka yimaadda dalka Kenya sabab aysan caddayn, waxayna intaasi ku dartay inaysan jiri karin diyaarad Geedkaasi sada oo tagta gobollada dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan diyaaraddii isku day tallaabadaasi.

Maaha markii ugu horraysay oo Puntland kasoo horjeesato go'aamo kasoo baxay dowladda Federalka Somalia, balse arrintan ayaa kusoo beegan xilli madaxweynaha Cabdiwali Gaas ku suganyahay magaalada Muqdishu halkaasoo maalinta barri ah ka furmi doono shirka madasha wadatashiga Qaran ee looga hadlayo doorashooyinka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM