​Puntland: Guddiga doorashooyinka dadban oo ka hadlay soo xulista Aqalka hoose [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Somalia gaar ahaan kuwooda heer Puntland, ayaa maanta ka hadlay halka ay marayso soo xulista Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland Nabadoon Khaliif aw-Cali oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sababta dib u dhaca keenay ku sifeeyay mid ku aadana qoondada haweenka iyo arrimo kale, wxuuna xusay inay hadda shaqadii bilaabeen islamarkaana bilaabatay diiwaangalinta murashaxiinta doonaya Xildhibaanimada.

Nabadoonka, ayaa xusay inay u yeereen ilaa 12 kursi oo ka imaanaya beelaha daga Puntland si loogu sameeyo diiwaangalin kuwaasoo dooran doona murashaxiinta ka imaanaya beelahooda.

Wuxuu xusay in horraanta bishan diyaar noqon doonaan 12 kamid ah mudanayaasha Barlamanka Federaalka ee ka imaan doona dhinaca Puntland.

Ku dhawaaqista arrintan ee Guddiga doorashooyooyinka dadban ee heer Federaal, ayaa timid kadib markii beesha Caalamka qoraal kasoo baxay lagu canaantay madaxda maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka inay mas'uul ka noqon doonaan dib u dhac ku yimaada doorashada Somalia.

Dhinca kale, waxaa jira cabashooyin iyo is-qab-qabsiyo dhinaca qabaa'ilka ah oo ka taagan soo xulista Xildhibaanada iyo Ergooyinka dooranaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM