Puntland: Guddoomiyihii gobolka Nugal oo xilka laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goordhaweyd xilkii looga qaaday Guddoomiyihii gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Lama oga sababta xilka qaadista loogu sameeyay mas'uulkan oo kamid ahaa shakhsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweynaha waqtigu kasii dhammaanayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa xilkaas u magacaabay Cabdisalaam Xuseen Xirsi (Gujir).

Gujir ayaa xilligii xukuumaddi AU Madaxweyne Cadde Muuse wuxuu soo noqday Duqa Caasimadda Garowe.

Gaas ayaa sidoo kale tallaabadan sameeyay xilli uu ku suganyahay magaalada Boosaaso oo uu ku joogo safar olole.

Shalay ayay ahayd markii uu is-casilay wasiirkii Wasaaradda Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame, kaasoo sheegay in Madaxweyne Gaas shaqadii Wasaaradda uu gacanta u galiyay hay'adda PASSAWEYN oo aad ugu dhow Madaxtooyada.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Xil-ka qaadista

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay:                        Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay:                         Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday:               Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM