Puntland "Hakad ayaa galay dagaalkii ka dhacay Tukaraq" [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Wasiir dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha Puntland ahna afhayeenka xukuumadda oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa ka waramay dagaal saaka ka dhacay degmada Tukaraq kaasoo u dhaxeeyay ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel), wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Somaliland ay abaare 05:30 xilliga Bariga Africa ay saddex jiho kasoo weerartay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan gobolka Sool, kaasoo keenay in ciidamadu iska difaacaan islamarkaana ka qabsadaan saddex goobood oo ay weerar kasoo qaadeen, waa sida uu hadalka u yiri Afhayeenkuye.

"Sidaad la socotaan caada iyo dhaqana u ahayd maamulka Somaliland baa saaka 05:30 soo weeraray deegaanka ay ku suganyihiin ciidamada Puntland ee Tukaraq, waxayna kasoo weerareen saddex aag oo kala duwan, saddexdaas aagna ciidamada Puntland ayaa ku sugan gacantana uga dhigay meelihii ay duulaanka kasoo qaadeen taasoo ay marag u tahay garasho xumada iyo Aakhiro waaga ay ku socdaan maamulkaas," ayuu yiri Qoraan jecel.

Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri, "Sidoo kale waxaa halkaas kasoo gaaray dhibaato ballaaran oo ay ku jirto gaadiid halkaas looga gubay iyo kuwo gacanta lagu hayo intaba, dagaalka saaka dhacay intaas ayuu ahaa."

Quraan-jecel, wuxuu tilmaamay in arritan ay caado ka dhigatay maamulka Somaliland oo uu ku eedeeyay inay saaka dhibaato u gaysteen shacabka reer Laas-caano kadib markii ay ciidamo Booliis ah ka keen Burco iyo Hargaysa.

"Waxaa kaloo saaka dhacday oo dhibaato loo gaystay shacabka Laas-caano oo ciidamo Booliis ah looga keenay Burco iyo Hargaysa si loogu gumaado oo lagu caburiyo," ayuu yir Quraanjecel.

Wasiir dowlaha ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay inay mas'uul ka noqon doonaan dhibaato kasta oo loo gaysto shacabka reer Laas-caano hadii ay ahaan lahayd xarig, dil, cabuir iyo caga-juglayn, isagoo sheegay inay arkayeen dad mas'uuliyiin sheeganaya oo handadaya bulshada ku dhaqan xarunta gobolka Sool.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa shacabka Sool ku wargaliyay inay la qaybsanayaan dhibka ay ku jiraan iyo duulaanka lagu soo qaaday.

Dhinaca kale, wuxuu cadeeyay in dagaalka uu hakad galay inkastoo uusan sheegin khasaarihii ka dhashay. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u diray baaq ah inaysan Puntland marnaba duulaan ahayn ee ay difaacayso dhulkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM