Puntland: Haweenka Ganacsada oo shir isugu yimid [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Haweenka ganacsada ee ku nool gudaha Puntland ayaa markii ugu horaysay isugu yimid shir socon doona labo maalmood oo ay isaga xog waraysan doonaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan islamarkaana ay isku weydaarsan doonaan khibradaha ganacsi ee ay is dheeryihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka qayb galay furitaankii madashan iyo xubno katirsan golaha wasiirrada.

Shirkan waxaa soo qaban qaabiyay dalladda ay ku midaysanyihiin haweenka ganacsada, waxaana aas-aasayaasha xaruntaas Xaliimo Maxamed iyo Ijaabo Sheekh Xassan ay sheegeen in ujeedka loo qabtay tahay sidii loo dhiirigalin lahaa haweenka haysta ganacsiga yar yar.

Waxay kaloo tilmaameen in Barnaamijkan uu horseedi doono sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan ganacsiyada ay maamulaan dumarka ee aan wali xoogaysan.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda gaar ahaan wasiirrada Haweenka, Ganacsiga iyo Kalluumaysiga ayaa tilmaamay inay taageerayaan dumarkan, waxayna ammaaneen xubnihii soo qaban qaabiyay Madashan.

Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa xusay in dumarku yihiin lafdhabarta bulshada islamarkaana muhiim tahay sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsigooda.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay dedaal ku bixin doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa Ganacsiga dumarka isagoo xusay inay qayb ka qaadan karaan hormarka dalka.

Dhinaca kale qaar kamid ah ganacsatadii kasoo qayb gashay ayaa soo dhaweeyay kulankan waxayna goobta kusoo bandhigeen khibradahooda shaqo, waxyaabaha keenay guulaha ay gaareen iyo sida loo hormarin karo ganacsatada yar yar.

Muddo labo maalmood ah ayuu socon doontaa madashan, waxaana la filayaa in gunaanadka Bandhiggan uu noqdo mid kor u qaada ganacsiga haweenka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM