Puntland: Heshiis KMG oo laga gaarey murankii Dekada magaalada Boosaaso

Image

Boosaaso, Puntland - Kadib markii dekada xarunta ganacsiga Puntland xirneyd muddo asbuuc taasoo sabatey in rabshdo dad ku dhinto ka dhacaan magaalada Boosaaso ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan in heshiis KMG ah laga gaarey xaalada taagan.

Shir ay isugu yimaadeen xubno matalyey dowlada Puntland kuwasoo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gobolka Barri iyo ganacsato wakiil ka ah gadiidka badeecadaha sida ee ku xiran duleedka dekada magaalada Boosaaso ayaa habeenkii xaley waxay isla-gaareen heshiis KMG ah oo soconaya muddo 10 cisho ah.

Kulankaan ayaa lagu qabtey xarunta Rugta Ganacsiga dowlada Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa ka koobnaa 4 qodob kuwasoo kala ah.

1- In Dekada lagu soo celiyo habkii ay ku shaqeyneysay heshiiska ka hor

2-In aan wax lacag ah siyaado ah laga qaadi karin doonyaha iyo maraakiibta inta xal laga gaaryo

3- In guddi labada dhinac ah la saaro si xal looga gaaro qodobadii la isku qabtey

4-In laga wada shaqeeyo nabad-galyada magaalada Boosaaso.

Gadiidka dekada dibada kaga xiran ayaa la filayaa insaacadaha soo socda soo xirtaan kuwasoo dajin lagu bilaabi doono.

Wararka kasoo kordha kulamada labada dhinac kala soco warsidaha GAROWE Online

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM