Puntland: Hooyo iyo Ilamaheedii oo lagu diley Qandala

Image

Kooxo hubeysan ayaa xalay Tuulada Canjeel ee ka tirsan degmada Qandala waxay ku dileen Haweeney iyo Ilmo ay dhashay.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka tirsan ururka Daacish ay ka danbeeyeen dilka hooyada iyo Ilmaheeda.


Lama oga sababta dhalisay weerarkaas ay dadku ku dhinteen, haseyeeshee sanadihii la soo dhaafay ayaa buuraleyda degmada Qandala waxaa ku dhuumaaleysanayey kooxo ku abtirsaada ururka Daacish.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hooyadaan ay diidey in Wiil ay dhashey kooxdaan kaxaysato kadibna sababtey In kooxdaan Falkaan ku kacaan.


Kooxdan oo horey u qabsaday magaalada xeebta ku taal ee Qandala, hase yeeshee ciidamada Puntland ayaa dib gacantooda waxay magaaladaasi ugu soo noqotay 7-dii bishii December ee sandkii 2016, iyadoo deegaamo ka tirsan degmada Qandala uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo ururka Daacish.


Ma aha markii ugu horeysay ee fal caynkan oo kale ah ay ururka Daacish ka fuliyaan dhulka buuraleyda ah eek u teedsan degmada Qandala, waxaana tirade dadka ay dileen noqonaysaa 7 qof oo isugu jira Askar iyo Shacab.

VOA+GO

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM