​Puntland: Howlgal lagusoo qabtay 15 qof oo ka dhacay Galkacyo

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Mudug ayaa maanta howlga xooggan ka sameeyay xaafadaha magaalada, waxaana lagusoo qabtay 15 ruux sida uu cadeeyay guddoomiyaha degmada Galkacyo.

Howlgalka waxaa sameeyay ciidamada PSFta, waxaana lagu bartilmaameedsanahay shakhsiyaadka masoomayaasha ah iyo waliba ku cuntada u kariya xilli dadku Soomanyihiin.

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey ayaa bartiisa facebookga soo dhigay natiijada howlgalkaan oo si gaar ah looga guliyay xaafadaha magaalada iyadoo diirada la saarayo ma soomayaasha.

Dadka lasoo qabtay oo ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Galkacyo.

Dadkan ay ciidamadu qabteen ayaa dhamaan ahaa dhalinyaro waxaana ciidamada ku weheliyey socdaalka lagu soo qabtay shakhsiyaadkaas duqa degmada Gaalkacyo.

Qabashada dhalinyaradan ayaa kusoo aadaysa xili ciidamaa ammaanka ay magaalada Gaalkacyo  ka wadeen hawlgalo lagu bartilamaansanayo dhalinyarada habeenkii mobileda furata iyo shaqsiyaad looga shakiyo inay maleegayaan falal amni darro.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan lasoo saaray amarro ku saabsan inaan la arki karin goobo lagu kariyo xaaraanta Bisha Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM